CILMI BAARIS: Galmada ayaa keeni karta guusha ciyaaryahannada

blot

(Europe) 08 Oktoobar 2016. Xanibaada ay soo rogaan tababarayaasha ka hor kulamada waa wayn ayaa keeni kara inuu dhaliyo soo bandhigid liidata ee ciyaaryahannada.

Galmadu waxay kor u qaadi kartaa soo bandhigida ciyaaryahanada kubadda cagta iyo orodyahanadaba, cilmi baaris ayaa saas daaha ka qaadeysa.

Xanibaadihii ay soo rogeen tababarayaasha sida tababarihii hore ee dalka England ee Fabio Capello kulamadda la ciyaaraayo ka hor ayaa keenay niyad jabyo inta lagu guda jiro garoonka.

Bonking bans are also meant to fuel aggressive performances - but

Xiddigaha Isboortiga ayaa u muuqda kuwa si fiican sameynaya galmada kaddib, ilaa inta ay galmadoodu dhaceyso ugu yaraan labo saacadood ka hor inta aysan tartamin, Diraasad lagu sameeyay Talyaaniga ayaa sidaa heshay.

Prof Laura Stefani oo wax ka dhiga jaamacadda University of Florence ayaa wuxuu yiri, “Ma soo muujin karno caddaymo waawayn oo cilmiyeed oo na tusinaya in howsha galmada ay saameyn qaldan leedahay.

 “Cadeyntu waxay dhab ahaan soo jeedinaysaa in galmadu ay saameyn waxtar leh yeelan karto.”

Olympic officials distributed ... condoms at the Rio Olympics - and a bit of bonking might have contributed to the high sporting standards

Saraakiisha ka shaqayneysay xagaagan Olombikadii Rio ayaa u qaybisay 450,000 oo cinjiradda galmada ah dhamaan orodyahannada.

Tababarayaasha badankood waxay ka cabsi qabeen in galmadu ay daalin karto ciyaaryahannada. Balse cilmi baarayaashu waxay leeyihiin in galmadu ay sida caadiga ah ay dhumiso qiyaas ahaan 25 colories – waxayna taas lamid tahay inaad ku lugayso labo wareeg oo jaranjaro ah.

Xanibaadaha galmada ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay dhaliyaan soo bandhig ay ku jirto xanaaq. Si kastaba ha ahaatee, cilmi baarista ayaan muujineyn caddeymo la xariira arintaas.

Diraasadan ayaa soo baxeysa xilli uu dhawaan sheegay tababarihii hore ee xulka qaranka Ghana in dib u dhaca kubbada cagta Afrika ay sabab u tahay Galmada badan.

Halkan ka aqriso warbixinta oo Ingiriis ku qoran:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close