Alex Iwobi oo daaha ka rogay xiddiga tababarka ugu adag ka sameeya Arsenal…(Mana ahan Alexis Sanchez)

dda

(London) 08 Oktoobar 2016. Marka aad ka fikirto xiddiga tababarka ugu adag ka sameeya Arsenal waxaa durba maskaxdaada ku soo dhacaya Alexis Sanchez adigoo u fiirinaya shaqada cajiibka ah uu ka hayo garoonka.

Laakiin Xiddig yaraha Gunners Alex Iwobi ayaa sheegay in shaqsi kale uu Emirates ka sameeyo tababar ka adag midka weeraryahankii hore ee Barcelona.

Burnley v Arsenal - Premier League

Xiddiga heysta diinteena Islaamka ee ka soo jeeda dalka Masar Mohamed Elneny ayuu Iwobi ku sheegay inuu yahay shaqsiga sameeya tababarka ugu adag ee kooxda Arsenal.

Mohamed Elneny kaa oo 5-milyan naadiga Arsenal uga soo biiray kooxda Basel ayaa jaray masaafada ugu badan ee xarada tababarka Gunners ee London Colney.

“Meel kasta ayuu joogaa Elneny,” Iwobi ayaa sidaa u sheegay FourFourTwo

“Si daran ayuu u ordaa tababarka, waxayna muujineysaa in kulanka uu jaro masaafo badan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close