Manchester United oo Pogba ku soo dabeeysa Griezmann

nintchdbpict000267545266

(Paris) 07 Okt 2016. Paul Pogba ayaa noqon kara furaha ay Manchester United uga adkaaneyso saxiixa Antoine Griezmann‘ kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Dhinaca Jose  Mourinho waxa ay bartilmaameedkooda kowaad ka dhigteen dilaaga Atletico Madrid.

Laakiin Arsenal iyo Chelsea ayaa doonaya Griezmann, The Telegraph waxa ay warineysaa in Blues ay diyaar u tahay bixinta £89.3million oo ah qiimaha xeyn-daabka qandaraaskiisa lagu bur burin karo.

Taas waxa ay ka dhigi doontaa laacibka Atleti xiddiga ugu qaalisan Kubadda Cagta waxa uuna darajadaas kala wareegi doonaa saxiibkiis – Paul Pogba.

nintchdbpict000247666080

Griezmann, oo jirs 25 sano, ayaa qiray toddobaadkan in xiriirkooda uu wanaagsanaaday intii lagu guda jiray Euro 2016 oo ay isaga iyo Pogba fiinaalaha gaarsiiyeen France.

Waxa uu yiri: “Si fiican ayaan u wada soconaa. Waa run in Euro-gii uu isu kaaya soo dhaweeyey.

“Paul dhabtii waa shaqsi wanaagsan. Waa yahay! Fariimo ayaan isu dirnaa, Snapchats. Dhabtii waa saaxiib wanaagsan. Marka uu kooxiisa u dheelayo, waxaan isku dayaa in aan eego kulan fiican in uu ciyaaray ama mid xub.”

 Griezmann  waxa uu dhaliyey 6 gool oo u sahashay in uu hanto bootkii dahabka ahaa, hada, cel celis ahaan gool ayuu dhaliyaa kulan kasta La Liga ololahan.

EURO 2016 France Iceland

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close