Gaadiidka iyo Gantaalaha Afgooye oo galabta ku ballansan garoonka Koonis

koob-494x354

(Muqdisho) 07 Oktoobar 2016. Labada kooxood ee Gantaalaha Afgooye iyo Gaadiidka  ayaa kullan xiiso badan  waxa ay ku ciyaari doonaan garoonka Koonis, degmada C/ Casiis ee gobolka Banaadir.

Ciyaartan ayaa waxa ay ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud, waana kullankii labaad  Guruubka D, oo ah guruub adag.

Naadiga  Gaadiidka ayaa ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, halka  Gantaalaha Afgooye ay qeyb ka tahay kooxaha ka socda heerka labaad ee ka qeyb qaadanaya Janeraal Daa’uud.

Kooxda Gaadiidka ayaa dooneysa in ay guul ka gaarto Gantaalaha Afgooye, mahadaama guruubkan ay ku jiraan kooxo adag.

Sikastaba Guruubkaan waxaa hor kaceysa naadiga Jeenyo oo kullankii koowaad kasoo badisay kooxda ay xifaaltamaan ee Banaadir S.Club.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close