Depay: Ibrahimovic iyo aniga isku tayo ayaan nahay

depay1

(Manchester) 07 Okt 2016. Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic waxaa lala meel dhigay ciyaaryahano badan sanadihii la soo dhaafay laakiin Memphis Depay ayaa magac cusub u helay….ISAGA LAFTGIISA.

Depay kalsooni yari mahayso madaama uu saddex jeer ka soo muuqday Premier League ololahan kaddib markii oo kal hore fashilmay.

Laacibka reer Holland waxa uu United kal hore ugu soo biiray £25million laakiin waa la eedeeyey marka la eego bandhigyadiisa gudaha garoonka iyo dhaqankiisa banaanka.

Hase ahaatee, 22 jirka waxa uu qabaa In isaga iyo Zlatan Ibrahimovic ay tayo isku mid ah leeyihiin.

‘Aniga iyo Zlatan Ibrahimovic aad ayaan isku mid u nahay. Waxa uu maxkaxiyan ahaa dilaa waxa uuna rabaa ku guuleysiga wax walba. Xitaa tababarka. Sideyda oo kale,’ ayuu Depay u sheegay De Telegraaf.

‘Sidaas daraadeed, heerka waa mid aad u sarreeya. Waxaan la tababartaa ciyaaryahano heer sare ah.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close