Atletico Madrid oo heshiiska u kordhisay Kabtankeeda Gabi

gabi

(Madrid), 07 Okt 2016   –Kooxda Atletico Madrid ee Waddanka Spain ayaa qandaraaska u dheereeysay Kabtankeeda Gabi oo ay la saxiixatay heshiis cusub oo sanad ah.

Gabi oo 33 jir ah ayaa naadigiisa Atletico la sii joogi doona illaa bisha June 2018, taas oo macneheedu yahay inuu ku ciyaari doono garoonka cusub ee kooxdu yeelan doonto sanadka soo socda.

Ciyaaryahan Gabi waxa uu ciyaarihiisa ku soo bilaabay naadiga Atletico yaraantiisii waloow uu 2007 ka tegay oo uu 4 sanadood u soo dheelay kooxda Real Zaragoza ka hor intii uu mar kale dib ugu soo laaban kooxdiisa sanadkii 2011.

Kabtan Gabi waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii kooxda Atletico u horseedday guushii Horyaalka Spain 2013-2014 iyo laacibiintii kooxdani laba jeer soo gaarsiisay dhammaadkii Koobka Horyaallada Yurub.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close