TUUG & TARROOX: Zlatan Ibrahimovic & Lorenzo Insigne waxay ku fiican yihiin inay tuuganimo jilaan!” – Roberto Saviano

(Napoli) 06 Okt 2016 – Roberto Saviano oo ah weriye, qoraa iyo film sameeye sidoo kalana taageera kooxda SSC Napoli ayaa sheegay inuu jilayaal ka dhigi lahaa Lorenzo Insigne iyo Zlatan Ibrahimovic oo ku ”haboon” musalsalka Gomorrah.

Gomorrah oo markii hore film ahaa, haatanna ah musalsal caalami ah, ayaa ka hadlaya dembiyada abaabulan ee magaalada Napoli, ee sida wayn loogu yaaannno Camorra.

Gomorrah waxaa aad u jecel ciyaartooyda Talyaaniga iyo kuwa kale, iyadoo la sheegay in Ibrahimovic uu  sadar uu kasoo xigtey film-kaas uu kula hadlay Marco Verratti xilligii ay wada joogeen Paris Saint-Germain.

“Ibra wuxuu ku habboon yahay inuu jilo booska tuug ama laadar kasoo jeeda Bariga Yurub. Waxaan sidoo kale Insige ka dhigi lahaa wiil yar oo daroogada u qaada bartamaha magaalada, jirkiisa yar iyo lahjadda Napoli oo uu ku hadli karo dartood.” ayuu Saviano ku yiri Sky Sport Italia.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close