Kooxda ugu fiican horyaalka Serie A illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan oo la shaaciyey

serie-a-team-of-the-season-so-far_r87s9lcn5np31tna7mc0pgfuq

(Manchester) 06 Oktoobar 2016 – Kooxda ugu fiican horyaalka Talyaaniga ee Serie A illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan ayaa shaaca ka qaaday, waxaana bannaanka soo dhigtay shabakadda ciyaaraha Goal.com, kaddib markii ay u kuur gashay todobadii kulan ee la ciyaaray oo ugu horreysay horyaalka.

Kooxaha AC Milan iyo Torino ayaa min labo ciyaaryahan ku yeeshay 11-ka xiddig ee illaa iyo hadda ugu wanaagsan horyaalka Serie A 7 kulan oo la ciyaaray, waxaana Milan ay ku leedahay goolahaya da’da yar ee Gianluigi Donnarumma iyo difaaca Gabriel Paletta.

Juventus oo haatan hoggaanka u haysa horyaalka Serie A ayaa shaxda ilaa iyo hadda ugu fiican horyaalka Talyaaniga ku yeelatay hal ciyaaryahan oo qura waana weeraryahankeeda Gonzalo Higuaín.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiican illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A:-

serie-a-team-of-the-season-so-far_1p6rut4z0oeqw14816x68qineg

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close