“Diego Costa waa nin waalan.”.

costa

(London) 06 Oktoobar 2016. Diego Costa waa nin waalan sida uu qabo Florent Sinama Pongolle oo ay ka wada tirsanaan jireen kooxda Atletico Madrid.

Tan iyo sidii uu ugu soo dhaqaaqay Chelsea 2014-kii, dabeecada Costa ayaa si joogta ah su’aal loo galinayay.

Weeraryahanka reer Spain ayaa durba iminka heysta afar jaale taa oo la micno ah inuu hal jaale uun u jiro in la ganaaxo hal kulan oo Premier League kal ciyaareedkan.

Image result for Florent Sinama Pongolle atletico Madrid

Sinama Pongolle, kaa oo Costa tababar kula soo qaatay Atletico Madrid ka hor inta uusan u dhaqaaqin Sporting Lisbon 2010-kii ayaa sheegay in dabeecada Costa ay tahay uun sida aad TV-yada ka daawataan.

“Markii aan aaday Sporting kooxdu ma aysan heysan wax lacag ah oo waxay dib u soo celisay Diego Costa kaa oo amaah ku maqnaa.” Sinama Pongolle ayaa sidaa u sheegay Le 10 Sport.

“Tababar ayaan la qaatay Costa waana nin waalan, sida aad ka aragtaan TV-yada oo kale, waa qosol badan.

“Dhanka kale marka laga soo tago kubbada cagta waa xariif maad leh laakiin garoonka markuu ku jiro wuxuu u baahan yahay inuu careysnaado/xanaaqsanaado si uu u fiicnaado.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close