Xavi oo weli weerar ku haya Cristiano Ronaldo

xav

(Qatar) 05 Oktoobar 2016. Xavi ayaa diiday inuu joojiyo dagaalka afka ah ee kala dhexeeya Cristiano Ronaldo.

Xiddigii hore ee qadka dhexe naadiga Barcelona iyo xulka Spain ayaa weeraray Ronaldo bishii la soo dhaafay isagoo ku sheegay inuu ka maseersan yahay Lionel Messi isla markaana uusan gaari karin.

Kabtanka xulka Portugal ayaa u jawaabay Xavi una sheegay inuusan waligii ku guuleysan Ballon d’Or oo isna heysto saddex jeer.

http://i3.mirror.co.uk/incoming/article2643520.ece/ALTERNATES/s615/

Laakiin Xavi ma uusan harin oo wuxuu wareysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay inuu weli taagan yahay mowqifkiisii hore isla markaana uu Ronaldo waligii ka dambeyn doono Messi.

“Waan arkay inuusan si fiican u jeclaysan, laakiin weli waxaan aaminsanahay wixii aan aaminsanaa,” Xavi ayaa sidaaa u sheegay TV-ga Spanishka ee La Sexta.

“Wuxuu ii sheegay kubbadaha dahabka uu ku guuleystay, taa oo sax ah laakiin fikirkeyga isma badelayo.”.

Dhanka kale Xavi oo ka hadlay cidda ku guuleysanaysa Ballon d’Or ee sanadkan ayaa yiri: “Ronaldo wuxuu heystaa Lambarada loogu guuleysan karo Ballon d’Or ee sanadkan, wuxuu ku guuleystay Champions League iyo Euro.

“Laakiin waxaan kaloo aaminsanahay inuu noqon doono mid aad tartan u leh, maxaa yeelay Messi ayaa halkaa joogi doona dabcan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close