“Waxaan ku fikiray inaan ka fariisto xulka qaranka” – Angel Di Maria

(Buenos Aires) 05 Okt 2016 Laacibka xulka qaranka Argentina ee Angel Di Maria ayaa qirtay inuu ku fikiray ka tagista xulkiisa kadib guul daradii Copa America.

Angel Di Maria ayaa sheegay in aabihiis iyo xaaskiisu ay ku qanciyeen inuu ka laabto go’aankiisa isla markaana uu u sii ciyaaro xulka qaranka.

Xiddiga kooxda PSG oo la hadlay saxaafada ayaa yiri:

“Waxaan rumaysanahay in go’aankii Messi uu uga fariistay xulka uu ahaa mid lama filaan ah, gaar ahaan guul daradii naga soo gaartay Final-kii Copa America”.

“Laakiin marka aan arinka sifiican uga fikiray waxaa ii soo baxay inay adagtahay qaadashada seddex Final oo guul daro ah”.

“Waxaan ku fikirayay inaan ka fariisto xulka waqtigaas laakiin xaaskayga iyo aabahay ayaa igu qanciyay inaan u sii ciyaaro xulka, aad ayeey u adkayd inaan iraahdo waxaan ka fariisanayaa ciyaaraha caalamiga ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close