Memphis: “Mourinho in uu i aaminsan yahay ayuu ii sheegay”.

hd-memphis-depay_sreaep1joska16ube73zgbu1u

(Manchester) 05 Oktoobar 2016. Memphis Depay ayaa ku adkeysanaya in uu ku qanacsan yahay nolosha Manchester United marka laga yimaado in waqtiga kulamada ay ololahan ku yar yihiin.

Laacibka u dhashay Netherlands waxa uu ku dhibtooday la qabsiga kooxda sanadkiisii ugu horreeyey kaddib markii uu £26m ugu soo biiray xagaagii 2016, kaliya laba gool ayuu dhaliyey halka uusan caawin sameyn 29 kulan oo uu Premier League ka soo muuqday.

Iyada oo uu 12 daqiiqo uu qura horyaalka xilli ciyaareedkan ka soo muuqday, Memphis waxa uu ku faraxsan yahay dulqaadkiisa ee ah sugida fursad.

“Jose aaminaad ayuu igu qabaa,” ayuu 22 jirka u sheegay majalada afka Holland ku soo baxda ee Metro. “Sidaas ayuu ii sheegay.

“Waxaan dareemay in aan ahay qori buuxa laakiin waan in aan sugaa fursadeyda kooxda kowaad. Waxaan joogaa kooxdeyda riyada waxaana rabaa in aan booskeyga u dagaalamo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close