Keylor Navas oo ku dhaw inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa Real Madrid

`UCL FINAL REAL MADRID CELEBRATION KEYLOR NAVAS

(Madrid) 05 Okt 2016 Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay heshiis lagaartay goolhayeheeda si uu kooxda ugu saxiixo heshiis cusub.

Cadena Cope ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay heshiis lagaartay goolhaye Keylor Navas si loogu abaal mariyo heshiis kordhin kadib qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee xiliciyaareedkii hore.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda Real Madrid ay go’aansatay inay kor u qaado mushaarka Keylor Navas kaas oo haatan kooxda ka qaata 2 milyan oo euro sanadkii.

Keylor Navas ayaa qaadan doona mushaar dhan 4 milyan oo euro sanadkii haddii uu saxiixo heshiis kaan cusub, arinkaan ayaana dhiirogalin u ah goolhayaha reer Costa Rica.

Waxaa xusid mudan in 29 jirkaan uu ku dhawaa inuu katago Real Madrid suuqii xaggaaga ee 2015 laakiin fashilkii ku yimid heshiiskii De Gea ayaa kalifay inuu boos joogto ah ka helo kooxda macalin Zidane.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close