Joachim Low oo beegsanaya inuu faarujiyo kursiga xulka Germany kadib koobka aduunka ee 2018

هل يُفكر "لوف" في العودة لتدريب أحد أندية البوندسليجا؟

(Berlin) 05 Okt 2016 Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa ku fikiraya inuu isaga tago shaqada xulka kadib koobka aduunka ee 2018.

Qandaraaska Joachim Low uu kula jiro xulka qaranka Germany ayaa ku eg June 2018, xiriirka kubadda cagta Jarmalka ayaana doonaya inay ka saxiixaan heshiis cusub.

Joachim Low ayaa meesha ka saaray inuu tababare u noqonayo mid kamid ah kooxaha Jarmalka, wuxuuna intaa ku daray in hadafkiisu uu yahay difaacashada koobka aduunka.

“Waa sax, waan fahamsanahay inay muhiimtahay in labadalo tababaraha mararka qaar laakiin waxaa ka sii muhiimsan in tababaruhu uu u qalmo in labadalo” ayuu u sheegay majalada Funke Mediengruppe.

“Sharaf ayeey iitahay kalsoonida aanka haysto xiriirka Jarmalka, waqtigaan la joogo uma baahnin in la kordhiyo heshiiskayga, haatan hadafkayga ugu wayn waa koobka aduunka ee 2018, ku guulaysigii koobkii aduunka ee 2014 ayaa dhiiro galin ii ah si aan u difaacdo markale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close