Gonzalo Higuain oo dib isaga weeraray kuwa dhaleeceynaya bandhigiisa xulka Argentina

gon

(Torino) 05 Oktoobar 2016. Gonzalo Higuain ayaa dib isaga weeraray dhaleeceymaha uu dhawaan kala kulmayay bandhigyadiisa xulka Argentina.

“Dadku waa xor, way caytami karaan wayna dhaleeceyn karaan haddii ay wanaag ku dareemayaan,” Higuain ayaa sidaa u sheegay ESPN.

“Haddii aad dhaliso gool aad baad u wacan tahay balse haddii aad ku guul darreysato, mararkaas waxay leeyihiin inaad aad u liidato.

“Waan sii wadayaa safarkeyga anigoon lumineyn wax kalsooni ah.”.

Mar wax laga waydiiyay Higuain lamaanaha weerarka ee kooxda Juventus lagala dhigay Dybala ayaa ku jawaabay:

“Waqti fiican ayaan qaadaneynaa. Paulo Dybala iyo aniga waxaan dooneynaa inaan ka sameyno xulka Argentina isla waxa aan ka sameynayno Juventus.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close