Aubameyang: “Awowgey ayaan ka ballan qaaday in aan Real Madrid u ciyaaro.”

pierre-emerick-aubameyang_1r72o5lyvjhir1jp7uxa7vo9zb

(Dortmund) 05 Oktoobar 2016. Weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa daaha ka rogay in uu wada xaajood la galay Manchester City suuqii xirmay xagaagan, walow uu sheegay in aysan ahayn mid xasaasi ah.

Xiddiga u dhashau Gabon, waxa uu 39 gool u dhaliyey BVB kal hore dhamaan tartamada.

Dhaliyaha sida weyn loogu kalsoon yahay ayaa qiray sidoo kale xiise uga yimi Paris Saint – Germain iyo Real Madrid.

“Waa run, xiriir ayaa jiray,” ayuu u sheegay Onze mar wax laga weydiyey in uu jiray xiriiro City ah. “Aabahay ayaa wadahadal la galay kooxda, laakiin ugu dambeyn wax xasaasi ah mahayn.

“Waxaan qabaa in Real Madrid ay xiise qabtay, laakiin xoogaa wey fogeyd markaa anigana cagaha dhulka kama qaadin.”

Aubameyang has never hidden his love for the Bernabeu club but does not necessarily expect to be called by them.

“Wareysi ayaa la igu weydiiyey: “Waa tee kooxda aad ku riyooto? “Real waa kooxda qalbigeyga ku riyoodo waxaana ballan ka qaaday awowgey in aan maalin u ciyaaro, waxaan rajeynayaa in ay dhacdo.’

“Markaa waa hadaf uun, wali waqti ayaan haystaa. Hadii ay I doonayaan, wey imaan doonaan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close