8-laacib oo laga yaabo inay seegaan kulanka Muhiimka ah ee Man United iyo Liverpool

kulan

(England) 05 Oktoobar 2016. Marka laga soo laabto fasaxa kulamada caalamiga ah, kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta naadiga ay sida wayn u coltamaan ee Manchester United 17-da bisha Oktoobar maalin isniin ah.

Jurgen Klopp ayaa ka walaacsan inay taam u noqon waayaan 5 ka mid ah xiddighiisa halka Jose Mourinho laga yaabo inuu waayo saddex ka mid ah safkiisa hore.

Waxaa xaalka sii xumeynaya in xitaa aan tirada lagu darin xiddigaha dhaawacyada ay ka soo gaari karaan kulamada xulalka qarankooda oo ay iminka ku maqan yihiin.

Image result for Mourinho vs Klopp

Adam Lallana, Dejan Lovren iyo Nathaniel Clyne, kuwaa oo dhammaan ku soo bilowday kulankii ay 2-1 uga adkaadeen Swansea City ayaa seegi kara kulanka Red Devils.

Lallana iyo Lovren ayaa qaba dhibaatooyin gumaarka ah halka Clyne uu la dhibtoonayo dhaawac jilibka ah.

Sheyi Ojo oo qaba dhaawac dhabarka ah iyo Joe Gomez oo isna lugta ka dhaawacan ayaa sidoo kale seegi kara kulanka ay Liverpool Anfield ku marti galineyso Man United.

Jose Mourinho ayaa isna la arkaa inuu waayo adeega xiddigaha Henrikh Mkhitaryan, Phil Jones iyo Luke Shaw marka uu u safrayo Merseyside.

Mkhitaryan ayaa shalay lagu soo sawiray bartanka magaalada Manchester isagoo ka soo kabanaya dhaawac muruqa ah, halka Jones uu qabo dhibaato jilbka ah, Shaw ayaa isna weli taam noqon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close