Xavi iyo Puyol oo ka hadlay qaladkii uu sameeyay Ter Stegen kulankii Celta Vigo

Image result for Carles Puyol and Xavi

(Barcelona) 04 Okt 2016 Halyeeyadii hore ee kooxda Barcelona Carles Puyol iyo Xavi Hernandez ayaa ka hadlay qaladkii waynaa ee uu sameeyay Ter Stegen kulankii Celta Vigo.

Goolhayaha reer Jarmal ayaa sabab u noqday in Barcelona laga dhaliyo goolkii 4-aad taas oo keentay inay guul daro ka soo gaarto kooxda Celta Vigo.

Xavi ayaa ku tilmaamay qaladkii Ter Stegen mid laga badbadiyay halka Carles Puyol uu amaanay goolhayaha Barcelona isaga oo sheegay in dhibka jira uu yahay kubadda laga so dhisayo gadaal.

Photo published for Barcelona keeper Ter Stegen sorry for mistakes in Celta Vigo defeat

“Waa wax iska caadi ah in dadku ay ka badbadiyaan qalad uu galay goolhaye, waxaan dhihi karaa Ter Stegen waa geesi maadama uu qirtay qaladkiisa” ayuu yiri Xavi.

Carles Puyol oo dhankiisa ka hadlay arinkaas ayaa yiri:

“Waa mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu fiican aduunka, inbadan ayuu caawiyaa kooxda, aniguna waxaan u garab istaagayaa kataageere ahaan”.

“Ku ciyaarida labada lugood waa mid kamid ah tilmaamihiisa, marka weerarka uu ka soo bilaabanayo gadaal waa wax iska caadi ah inaad qalad samayso”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close