Tababarkii ugu dambeeyey oo ay xiddigaha xulka Spain isugu diyaarinayaan kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka… + SAWIRRO

(Madrid) 04 Oktoobar 2016 – Xiddigaha xulka qaranka Spain ayaa ku jira tababarkii ugu dambeeyey oo ay isugu diyaarinayaan kulamada ay la ciyaari doonaan xulalka Talyaaniga iyo Albania ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaana ay tababarkan ku samaynayaan magaalada Madrid.

Xulkii hore ee ku guuleystay koobka Adduunka ayaa tijaabo adag mari doona marka ay u safraan magaalada Turin oo ay Khamiista kula ciyaari doonaan dhiggooda Talyaaniga, ka hor inta aysan Shkoder kula ciyaarin Axadda xulka Albania.

Ander Herrera ayaa markii ugu horreysay looga yeeray xulka qaranka Spain, kaddib bandhig cajiib ah oo uu ku sameeyey kooxdiisa Manchester United.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

spain

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close