Maxaa ka jira in Real Madrid ay isku dayday saxiixa Ivan Rakitic?

Image result for Ivan Rakitic vs Real Madrid

(Madrid) 04 Okt 2016 Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay isku dayday saxiixa Ivan Rakitic suuqii xaggaaga.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay isku dayday inay la soo wareegto laacibka reer Croatia kadib markii Barcelona ay la soo saxiixatay Denis Suarez iyo Andre Gomes.

Real Madrid ayaa isku dayday in Ivan Rakitic ay ku cabsigaliso in booskiisa Barcelona uu halis ku jiro maadama kooxdu ay soo iibsatay ciyaartoy cusub.

Laakiin wargayska ayaa xaqiijiyay in Ivan Rakitic uu iska diiday dalabka kooxda boqortooyada Spain isaga oo doorbiday inuu iska sii joogo kooxdiisa Barcelona.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay horay ugu hungowday saxiixa Ivan Rakitic xaggaagii 2014 markaas oo uu ku biiray Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close