Ciyaaryahankii hore ee Liverpool Mohamed Sissoko oo ku biiray koox ka dheesha horyaalka Hindiya

mohamed-sissoko

(Pune) 04 Oktoobar 2016 – Laacibkii hore khadka dhexe ee Liverpool Mohamed Sissoko ayaa ku biiray kooxda FC Pune City ee ka dhisan horyaalka Waddanka Hindiya ee Indian Super League.

31-sano jirkaan ayaa beeca xorta ah lagu heli karay tan iyo bishii Febraayo kaddib markii ay sii daysay kooxda Shiinaha ka dhisan ee Shanghai Shenhua, waxaana la la xiriirinayay bishii Agoosto inuu dib ugu laaban doono horyaalka Ingiriiska kuna biiri doono kooxda West Bromwich Albion.

Si kastaba, xiddigan reer Mali ayaa hadda ku biiray naadiga Pune, isagoo bedel u noqday saxiixa Eidur Gudjohnsen, kaasoo isaga tagay horyaalka Hindiya xilli ciyaareedkan.

Sissoko, kaasoo horay saddex sanadood ugu soo qaatay garoonka Anfield ayna ugu xigtay muddo uu joogay Juventus ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ugu horreeyey kooxdiisa cusub ee Puna u safto bilowga usbuuca soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close