Aubameyang oo sheegay in Man City ay isku dayday saxiixiisa

Aubameyang

(Dortmund) 04 Okt 2016 Weerar yahanka reer Gabon ee kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Man City ay isku dayday saxiixiisa

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in aabihiis oo ah wakiilkiisa gaarka ah uu wadahadal la galay kooxda Man City suuqii xaggaaga.

27 jirka reer Gabon ayaa intaa ku daray in wadahadalada aysan ka soo bixin wax miro dhal ah, wuxuuna sii raaciyay in PSG iyo Real Madrid ay doonayaan saxiixiisa.

aubameyang

“Dhab ahaan waxaa jiray kulan u dhexeeyay aabahay iyo Man City kaas oo ku aadanaa suurogalnimada aan ugu biiri karo, laakiin ma jiro wax heshiis ah oo dhacay” ayuu yiri Pierre-Emerick Aubameyang.

“Sidoo kale Real Madrid iyo PSG waxay doonayaan saxiixayga waqtiga ugu dhaw” ayuu sii raaciyay, laakiin laacibka ayaa albaabka ka xirtay dib ugu laabashada horyaalka faransiiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close