Zidane waxba ma dhaamo Rafa Benitez (WARBIXIN)

Image result for Zinedine Zidane and Rafa Benitez

(Madrid) 03 Okt 2016 Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la ogaaday inuusan waxbadan dhaamin tababarihii uu ka badalay shaqada Real ee Rafa Benitez.

Zinedine Zidane ayaa xiliciyaareed kaan kooxda ku hogaamiyay kulamo badan oo barbaro ah taas oo ka dhigtay in kooxdu ay shaqaysato 15 dhibic 7 kulan oo horyaalka ah.

Xogtaas ayaa ka dhigaysa tababare Zinedine Zidane inuusan waxba dhaamin tababarihii ka horeeyay ee Rafa Benitez kaas oo xiliciyaareedkii hore kooxda u shaqeeyay 15 dhibic 7-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka.

Isbar bardhiga labada tababare ayaa soo muujinaysa inuusan jirin farqi wayn oo u dhexeeya labadooda marka laga reebo in ciyaartoyda Real Madrid ay jecelyihiin falsafada Zinedine Zidane.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close