“Waa mid kamid ah guulaheena ugu muhiimsan xiliciyaareed kan” – Chamberlain oo ka hadlay guushii Burnley

تشامبرلين: هذا من أهم انتصاراتنا هذا الموسم

(London) 03 Okt 2016 Dhaliyihii goolka guusha ee Arsenal xalay ay uga adkaatay dhigeeda Burnley ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa sheegay in guushaas ay tahay mid kamid ah guulaha lagu xasuusan doono xiliciyaareed kan.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa sheegay in guushii xalay ay ka caawinayso kooxdiisa inay hesho kalsooni badan kulamada soo socda.

“Waxaan arkay kubadda oo igu soo socota waan shuuday oo kaliya, ma haysan waqtibadan oo aan ku fikiro, tababaruhu wuxuu nagu yiri ha argagixina, waxaan u dagaalanay sidii aan gool ku dhalin lahayn” ayuu yiri Alex Oxlade-Chamberlain.

“Waxaan samaynay isku dayo anaga oo dadaalayna, kadibna waxaan dhalinay goolka, wuxuu ahaa kulan adag, Burnley si adag ayeey u difaactameen, laakiin ugu danbayntii guul ayaan gaarnay”.

“Waxa muhiimka noo ah waa helida 3-da dhibic, dhabtii guushaan waa mid kamid ah guulaheena ugu muhiimsan xiliciyaareed kan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close