Torino oo beegsanaysa inay wada iibsato Joe Hart

Transfer ALERT: Torino hoping to sign Manchester City goalkeeper Joe Hart in permanent deal

(Torino) 03 Okt 2016 Kooxda Torino ee dalka talyaaniga ayaa beegsanaysa inay wada iibsato goolhayaha reer ingiriis ee Joe Hart kaas oo amaah ugu biiray suuqii xaggaaga.

Sida ay baahisay La Gazzetta dello Sport, kooxda Torino ayaa ku riyoonaysa in heshiiska amaahda ah ee Joe Hart ay u badasho mid rasmi ah.

Laakiin caqabada ay wajahayaan ayaa ah in Man City ay bixiso 70% mushaarka Joe Hart taas oo ka dhigaysa mid aan suurogal ahayn in laacibku uu uwada wareego Torino.

Joe Hart ayaa isaga soo tagay kooxdiisa Man City suuqii xaggaaga markaas oo tababare Pep Guardiola uu ku wargaliyay inuu raadsado koox uu ka heli karo boos joogto ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close