RASMI: Swansea City oo iska cayrisay tababare Francesco Guidolin isla markaana magacaawday tababare kale

(Swansea) 03 Okt 2016 Kooxda Swansea City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee tababaraheeda iska cayrisa horyaalka ingiriiska siduu u bilowday xiliciyaareed kan.

Francesco Guidolin ayaa ku hogaamiyay kooxda guul darooyin is xigxigay xiliciyaareed kan, taas ayaana keentay in laga cayriyo shaqada kooxda.

Swansea City ayaa magacaawday tababarihii hore ee xulka qaranka USA Bob Bradley, kaas oo noqonaya tababarihii ugu horeeyay ee maraykanka ah ee layliya koox ingiriis ah.

Guidolin oo maanta ay ku beegnayd dhalashadiisa 61-aad ayaa hogaamiyay kooxda Swansea city 23 kulan oo horyaalka ingiriiska ah, 8 waa ay guulaysatay, 5 barbaro ayeey gashay 10-kulana waa laga adkaaday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close