Messi oo isha ku haaya inuu taam u noqdo kulanka Man City

(Barcelona) 03 Okt 2016 Laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isha ku haaya inuu taam u noqdo kulanka adag ee kooxdiisu ay laciyaari doonto kooxda Man City.

Sida uu baahiyay Sport, Messi ayaa saaka bilaabay wajigii labaad ee qorshaha uu uga soo kabanayo dhaawicii ka soo gaaray kulankii Atletico Madrid 21-kii September.

Messi ayaa saaka si xiriir ah ugu orday garoonka isaga oo kaashanayay tababaraha jirdhiska kooxda Barcelona ee Edu Pons sida lagu sheegay warbixinta.

Dhaqaatiirta kooxda Barcelona ayaa saaka yeeshay shir u gooni ah kaas oo ay uga hadleen waqtiga la filikaro in Messi uu dib ugu soo laabto garoomada.

Messi ayaa ku dadaalaya sidii uu taam ugu noqon lahaa kulanka 19-ka bishaan ay kooxdiisu marti qaadi doonto kooxda Man City wareega guruubyada ee Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close