Cristiano Ronaldo oo muddo 4 bilood gudaheed ah Hotelkiisii labaad ka furtay Bortuqiiska + SAWIRRO

ronaldoo

(Lisbon), 03 Okt 2016    –Xidigga Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinaya noloshiisa xigta Kubadda cagta kaddib, waxaana haatan Hotel-kiisii labaad ee xambaarsan magiciisa uu ka furtay waddankiisa Bortuqiiska.

Hotelkan cusub oo dabcan wata magaca shirkadda hotellada Ronaldo maamusha ee Pestana CR7 ayaa habeenkii xalay ahaa laga furay magaallada Lisbon ee caasimadda Bortuqiiska, waxaana  xarigga ka jaray Ronaldo oo markii ay dhamaatay ciyaartii ay Real Madrid barbar dhaca 1-1 la gashay Eibar diyaarad qaatay si uu ganacsigiisan cusub u furo.

Ronaldo oo 31 jir ah, qandaraas dheerna kula jira Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in noloshu aysan ku koobneyn kubbad cag, isla markaana loo baahan yahay qorshe mustaqbaleed, isagoo xusay in uu sii ciyaari doono ugu yaraan 10 sanadood oo hadda soo socota.

Pestana CR7 Lisboa Hotel ayaa ka kooban 82 qol, waxaana halkii habeen qolalkiisa VIP-da ah lagu seexanayaa 1,250 Euro, iyadoo lagu qalabeey 48 Telefishin oo HD ah, ciyaar gacmeedyada Play Station 4, waxaana sidoo kale ka helaysaa Gym casri ah.

Wargeyska Marca ee Spain ayaa sheegaya in heshiiska ganacsi ee ka dhexeeya Pestana iyo Cristino Ronaldo lagu maalgeliyay 15 Milyan oo Euro, iyadoo la filayo in labo hotel oo kale oo nuucan ah dhowaan laga furo Magaallooyinka Madrid iyo New York.

Gool FM

Cristiano Ronaldo gives the thumbs up

Ronaldo oo hotel-kiisii labaad ka furtay Bortuqiiska

Cristiano Ronaldo, Lisbon's Mayor Fernando Medida and President of Pestana Hotels Group Dionisio Pestana pose

Cristiano Ronaldo with the president of Pestana Hotels Group Dionisio Pestana projected onto the side of their hotel

Pestana CR7 Lisboa Hotel

Cristiano Ronaldo is projected onto the side of the hotel

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close