Aston Villa oo eriday Roberto Di Matteo

di-matteo-aston-villa_njhxhuie0efn1o8du44ckprc8

(London) 03 Oktoobar 2013. Aston Villa waxa ay eriday Roberto Di Matteo iyada oo ay kooxda meel hooseysa ka gashay horyaalka Championship-ka.

Di Matteo waxaa loo magacaabay xilka tababare ee Villa dhawaan si uu dib ugu soo celiyo Premier League kaddib markii ay bishii Jaanayo ka soo dhacday.

Laakiin tababarihii hore ee Schalke, West Brom and Chelsea – kaas oo Champions League-gii 2012 ku guuleystay ayaa shaqada ka tagaya iyada oo ay Villa ku jirto kaalinta 19-aad.

Warbixin ay soo saaray kooxda ayaa sidan u dhigan: “Kooxda Kubadda Cagta ee Aston Villa waxa ay kala tageen Roberto Di Matteo.

“Kooxda waxa ay go’aansatay in ay ficil sameeyso kaddib natiijooyin niyad jab ah oo kooxda kaalinta 19-aad dhigay.

“Kooxda waxa ay jeceshay in ay muujiso ka mahadnaqa dadaalkii Roberto ee aaa dib u dhiska safka waxaana mustaqbalka u rajeyneynaa wanaag.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close