Arsenal oo soo af-jareysa damaca Barcelona iyo Man City

be

(London) 03 Oktoobar 2016. Kooxaha Barcelona iyo Man City ayaa si wayn lala xiriinayay inay u soo dhaqaaqaan daafaca reer Spain ee kooxda Arsenal Hector Bellerin  kaa oo u soo ifbaxay sida mid ka mid ah daafacyada garabka midig ee ugu fiican kubbada cagta adduunka ee waqtigan.

Gunners ayaa lagu wadaa inay soo afjarto damaca labadan kooxood isla markaana heshiis shan sano ah ka saxiixato dafaaceeda dheereeya.

Maamulka sare ee Arsenal ayaa aad u doonaya inay wada hadalo la furaan wakiilada Bellerin marka laga soo laabto fasaxa kulamada caalamiga ah si ay heshiis waqti dheer uga saxiixdaan.

21-jirka ayaa waxaa qandaraaskiisa iminka uga harsan saddex sano waxa uuna doonayaa tababare Arsene Wenger inuu waqti dheer sii heysto da’yarkan.

Barcelona ayaa sare u sii qaaday xiisaheeda laacibkan oo waayihiisa ciyaareed ku soo bilaabay gegada Nou Camp ka hor inta uusan u dhaqaaqin Emirates 2011-dii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close