Andros Townsend oo lagu bedelay booska Raheem Sterling oo dhaawac looga saaray liiska xulka qaranka Ingiriiska

(London) 03 Sebt 2016 – Macallinka ku meel gaarka ah ee xulka qaranka Ingiriiska ee Gareth Southgate ayaa magacaabay liiska xulka qarankiisa ee isreeb-reebka koobka adduunka la ciyaari doona xulalka Malta iyo Slovenia.
Liiskan waxaa laga waayey oo aan ku jirin laacibka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling waxaana uu Sterling booska ku waayey dhaawac sida ay xaqiijisay kooxdiisa Man City, iyadoo booskiisa xulka saddexda libaax lagu bedelay Andros Townsend.
.@sterling7 has withdrawn from the @England #ThreeLions squad due to injury. #mcfc
— Manchester City (@ManCity) October 3, 2016
Kaliya waxaa la xaqiijiyey inuu dhaawac ku seegi doono Raheem Sterling kulamada xulkiisa qaranka England uu ciyaari doono isreeb-reebka koobka Adduunka, laakiin lama shaacin dhaawaciisa nuuca uu yahay.
Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Andros Townsend kaasoo 11 kulan u saftay xulkiisa una dhaliyey saddex gool wadankiisa ayaa ku soo laabtay xayndaabka xulkiisa saddexda Libaax markii ugu horreysay tan iyo kulamadii isdiyaarinta England ee saaxiibtinimo ka hor tartanka Euro 2016.
There’s been an update to the #ThreeLions squad to face Malta and Slovenia:
➡️ @andros_townsend (@CPFC)
⬅️ @sterling7 (@ManCity) pic.twitter.com/PE3U3Blpmn— England (@England) October 3, 2016
Gool FM.