SerieA: Roma oo guul ka gaartay Inter soona tiigsatay booska 3-aad ee Jadwalka Horyaalka talyaaniga

(Roma) 02 Okt 2016 Kooxda Roma ayaa guul dirqi ah ka gaartay dhigeeda Inter oo marti u ahayd, waxayna uga adkaatay 2-1 kadib ciyaar xiiso leh oo dhexmartay.

Roma ayaa ku soo gashay ciyaarta si dardar leh, Edin Dzeko ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Roma daqiiqadii 5-aad ee bilowga ciyaarta, wuxuuna cirib ku dhaliyay kubadd uu ka soo shaqeeyay saaxiibkiis Salah, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Salah ayaa kadib ka khasaariyay kooxda Roma fursad u furnayd goolka, wuxuuna dhinac ka mariyay kubadda goolka uu waardiyaha ka yahay Samir Handanovic.

Inter ayaa dhankeeda isku dayday inay soo barbaryso ciyaarta, laakiin waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku haysay Roma.

Qaybtii dambe Inter ayaa dib u soo kacsatay, 72 daqiiqo Ever Banega ayaa u soo barbareeyay kooxdiisa Inter, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

Balse 76-daqiiqo, Daafaca Roma ee Manolas ayaa hogaanka dib ugu soo celiyay kooxdiisa, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

Ciyaarta ayaa ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close