SERIE A: Juventus oo sii dheereysatay hogaanka horyaalka kadib guul ay ka gaartay Empoli + SAWIRRO

(Torino) 02 Okt 2016 Juventus ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka talyaaniga ee SerieA kadib guul raaxo leh oo ay ka gaartay kooxda Empoli oo ay marti u ahaayeen.

Ciyaartoyda Juventus ayaa ku soo galay ciyaarta si dardar leh, waxayna isku dayeen inay qabtaan hogaanka ciyaarta min bilowgeedii laakiin uma suurogalin.

Empoli oo dhankeeda aan ka yaraysan ayaa isku daday inay gool uga hormarto kooxda macalin Allegri laakiin uma suurogalin, qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii dambe, Wiilasha Allegri ayaa jiifka ka kacay, 65 daqiiqo Dybala ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Juventus isaga oo ka dhigay ciyaarta 1-0.

Laba daqiiqo kadib Gonazlo Higuain ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Juventus, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Isla Higuain ayaa sii quusiyay kooxda Empoli kadib markii uu ka dhaliyay goolkii 3-aad, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close