HOR DHAC: Empoli Vs. Juventus

empoli

(Rome) 02 Oktoobar 2016. Juventus waxa ay kulankan dheeli doontaa iyada oo dhibic ka sarreysa Napoli.

Hase ahaatee, dhaawacyo ay uga maqan yihiin xiddigo muhii ah ayaa halis ku galin karta kulan walow kaarto badal ay xal ku heli karaan.

Waxa ay la dhaleeyaan Empoli oo faqri ku ahayd afaafka hore ee  goolka dhawaantan.

Maxaa Juve ka cusub?

– Daniele Rugani and Kwadwo Asamoah waxaa la filayaa in ay garoomada ka maqnaadaan ilaa iyo bartamaha Nofeembar.

-Dhaawacyada labadaasi ciyaaryahan waxa ay xulashooyin muhiim ah ka qaadayaan Massimiliano Allegri.

-Iyada oo uu sidoo kale garoomada ka maqan yahay Mehdi Benatia, tababaraha kaliya saddex daafac oo dhexe ayuu haystaa, taas oo ku qasbeysa in uu kaartada 3-5-2 adeegsado.

LA SOCO….

-Juventus 31 ka mida 34tii kulan ee Serie A-ga ugu dambeeysay wey badisay.

-Empoli iyo Juventus afartii kulan ee isugu dambeeysay dhamaan tartamada waxaa gacanta sare yeelatay Bianconeri.

-Shan ka mida lixdii kulan ee ugu dambeeysay Empoli goolba ma dhalin.

SAFAFKA LA FILI KARO

juve

Gegida: Carlo Castellani

Saacadda Geeska Africa: 1:30Pm

Dhex dhexaadiyaha: Paolo Silvio Mazzoleni

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close