HOR DHAC: Celta Vigo Vs. Barcelona

celta-vigo-vs-barcelona

(Madrid) 02 Oktoobar 2016. Barcelona waxa ay booqan doontaa Celta Vigo kulan ka tirsan La Liga.

Dhinaca Luis Enrique wali waxaa ka maqan Lionel Messi oo ku dhaawacmay kulankii ay bar bar dhaca 1-1 la galeen Atletico Madrid.

Maxaa Barca ka cusub?

-Kaddib bandhigiisii wanaagsanaa ee kulankii Gladbach, Arda Turan wuu ku soo bilaban karaa is aragan

– Javier Mascherano waxa uu ku simi doonaa booska daafaca dhexe Samuel Umtiti mar kale halka Sergi Roberto uu dambeedka middig ka sii ciyaari doono.

-Andre Iniesta iyo Ivan Rakitic waxa ay is garab taagnaan doonaan dhexda taas oo aan fursad siineyn Rafinha.

LA SOCO…

-Barcelona wey badisay lixdii kulan ee ugu dambeeysay ee ay banaanka ku soo dheesho La Liga

-Shan ka mida 6dii kulan ee ay Barcelona banaanka ku soo dheeshay shabaqeeda gool lama taabsiin

SAFAFKA LA FILI KARO

barca

Gegida: Municipal de Balaidos

Saacadda Geeska Africa: 9:45Pm

Dhex dhexaadiyaha: Inaki Vicandi

Gool FM.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close