EPL: Arsenal oo waqtigii dhimashada quusisay Burnley + SAWIRRO

(Burnley) 02 Okt 2016 Arsenal ayaa guul layaab leh ka gaartay kooxda Burnley kadib markii Oxlade-Chamberlain iyo Koscielny ay qaybsadeen goolka guusha, Gunners ayaa ku adkaatay 1-0.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar labada dhinac ah, Arsenal oo doonaysay inay hogaanka qabato xili hore ayaa samaysay dhawr fursadood laakiin daafaca Burnley ayaa diiday in kubaddu ay u gudubto goolhayehooda.

Ciyaartoyda kooxda Burnley ayaa dhankooda sameeyay fursado dhawr ah oo ay ku beegsadeen goolka kooxda Arsenal laakiin uma suurogalin inay gool dhaliyaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii dambe Arsenal ayaa dardar ka duwan qaybtii hore ku soo gashay ciyaarta, 48 daqiiqo Sanchez ayaa shuud la beegsaday goolka laakiin goolhayaha Burnley ayaa hor istaagay in kubaddu ay u gudubto goolkiisa.

Photo published for Burnley 0-0 Arsenal, EPL LIVE: Gunners aim for fifth straight win

Photo published for Burnley vs Arsenal live score and goal updates

Oxlade-Chamberlain iyo Koscielny ayaa gool muran uu ku jiro oo isku dhacay ka dhaliyay Burnley waqtigii dhimashada, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-0.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close