PREMIER LEAGUE: Chelsea oo dib ugu soo laabatay Jidkii guusha…+SAWIRRO

(England) 01 Oktoobar 2016. Chelsea ayaa guul sahlan ka gaartay kooxda Hull City oo ay ku suul daartay 2-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Jahwareer ayuu u ahaa Blues qeybtii hore ee kulanka oo xitaa ma aysan helin fursado halis ah oo ay goosha la beegsatay oo waxaaba taa ku dhaamay Hull City.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Willian aya gool qurxoon ugu dhiibay hogaanka naadigiisa Chelsea daqiiqadii 61 kubbad uu ka helay Diego Costa.

Lix daqiiqo uun Diego Costa ayaa goolka labaad u dhaliyay Blues meel la mid ah meeshuu uu ka dhaliyay Willian ee dhanka midig.

Chelsea ayaa Victor Moses  ku soo bilowday kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League 1239-maalmood kaddib oo waxaa ugu dambeysay bishii May ee 2013.

SAWIRRO:

blu

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/10/01/16/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/10/01/16/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/10/01/16/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/10/01/15/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/10/01/15/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/10/01/15/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close