Antonio Conte oo sheegay sababtii uu keydka ugu cabay Fabregas iyo Ivanovic

iva

(London) 01 Oktoobar 2016. Cesc Fabregas iyo Branislav Ivanovic ayaa keydka la dhigay kulankii dhawaa ay Chelsea 2-0 uga adkaatay naadiga Hull City.

Macallinka reer Talyaani ayaa ku sheegay sababta uu keydka ugu cabay labadan laacib inuu ka faa’iideysanayo shaxda wayn ee uu heysto isla markaana uu labo kale la soo shirtagay.

Daafaca cusub ee Marcos Alonso ayaa lagu soo bilaabay booskii Ivanovic halka Victor Moses uu dhexlay booska Fabregas.

http://cdn.images.express.co.uk/img/dynamic/67/590x/

Conte ayaana sheeganaya inuusan wax dhibaato ah ku qabin inuu safka hore ka tuuro labada laacib ee uu ku soo bilaabay kulankii ay guul darada foosha xun kala kulmeen kooxda ay ku coltamaan magaalada London ee Arsenal.

“Labo badel laakiin waxaan u maleynayaa inay tahay wax iska caadi ah,” Conte ayaa sidaa u sheegay Sky Sports.

“Marka aad joogto koox sida Chelsea oo kale aadna heysato dooqyo kala duwan oo aad sameyn karto, waxaan doorbiday inaan sameeyo labadan badel.”.

Chelsea ayaa afar kulan kaddib guul gaartay ciyaartii dhawaan ay la yeelatay kooxda Hull.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close