Xulka Qaranka Spain ee Isreeb-reebka K/Adduunka 2018 oo la magacaabay iyo Rag badan oo laga reebay,

ctl_fv0xgaezckx

(Madrid), 30 Sebt, 2016     –Tababaraha xulka Qaranka Waddanka Spain Julen Lopetegui ayaa magacaabay Liiska ciyaartoydiisa uga qayb galaysa Koobka Adduunka 2018 ee ciyaari doona isreeb-reebka Koobkaasi kulammada ay la ciyaari doonaan Talyaaniga (06 October) iyo Albania (09 October), waxaana xulka Spanish-ka laga reebay rag magac leh iyadoo kuwo cusubna lagu soo daray.

Ragga xulka lagu soo daray waxaa ka mid ah Jose Callejon, Isco, Sergio Rico iyo Nacho, waxaase albaabka laga xirtay oo aan la wicin; Marc Bartra, Cesar Azpilicueta, Juan Mata, Adrian, Paco Alcacer, Cesc Fabregas, Pedro Rodriguez, Juanfran, Iker Casillas.

Liiska xulka Spain ee la magacaabay:

Goolhayeyaasha: David de Gea (Manchester United), Pepe Reina (Napoli),  Sergio Rico (Sevilla)

Daafacyada: Nacho (Real Madrid), Jordi Alba (Barcelona), Gerard Pique (Barcelona), Sergio Ramos (Real Madrid), Dani Carvajal (Real Madrid), Sergi Roberto (Barcelona), Javi Martinez (Bayern)

Khadka Dhexe: Sergio Busquets (Barcelona), David Silva (Manchester City), Thiago Alcantara (Bayern), Saul Níguez (Atletico), Koke (Atletico), Isco (Real Madrid)

Weeraryahannada: Alvaro Morata (Real Madrid), Lucas Vazquez (Real Madrid), Nolito (Manchester City), Callejon (Napoli), Diego Costa (Chelsea) iyo Vitolo (Sevilla).

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close