“Waxay nasiiyeen hadiyad SUMEYSAN.”. Jose Mourinho oo durba mar-marsiiyo ka keenay kulamada Liverpool iyo Chelsea

joo

(Manchester) 30 Sebt 2016. Jose Mourinho ayaa hadiyad sumeysan ku tilmaamay kulamada mashquulka badan ee la isugu xijiyay kooxdiisa Man United.

Wiilasha Jose Mouirnho ayaa lagu wadaa inay kulamo mashquul badan galaan fasaxa ciyaaraha caalamiga kaddib, iyagoo ciyaari doona 5-kulan 13-maalmood gudahood.

Man United ayaa waxaa isugu xigsan doona kulamo dhib badan marka ay Europe League la ciyaarto Fenerbahce bisha dhalaneysa.

“Hagaaga, Sabti ama axad ayaan la ciyaari karnay Liverpool, laakiin Isniin ayaan la ciyaareynaa 17-da October,” Mourinho ayaa sidaa yiri.

Jose Mourinho

“Sidaa darteed, laga yaabee inaynaan heysan xaalada ugu fiican gaar ahaan maxaa yeelay waxaan la ciyaareynaa labo koox oo heer sare ah Premier League kuwaa oo aan ka qeyb qaadaneyn tartamada Yurub.

“Waxaan heysanaa hadiyad ceynkan ah oo sumeysan inaan ciyaareyno Insiinta taa oo abuureysa xaalad adag, laakiin waxaan dooneynaa inaan isku dayno inaan u soo gudubno wareega xiga.

“Waa waqti dheer, ku dhawaad bil, laakiin waxaan dooneynaa inaan isku dayno, sidaa darteed waxaan kula ciyaareynaa Fenerbahce koox leh suuro galinimada inay garaacaan Fenerbahce.

Man United ayaa ku jirta kaalinta saddexaad ee Group A ee Europe League, hal dhibic ayay ka dambeeyaan  hogaamiyayaasha group-ka ee Fenerbahce waxayna dhibcaha kala siman yihiin kooxda Feyenoord.

Mourinho oo la waydiiyay inuu wax uun ka badeli karo kulmada waalida ee la isug xijiyay ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa inaysan suuro gal ahayn, Hadiyada sumeysan kolhore ayayba halkaa tiilay.

“Sidaa darteed, maxaan sameyn karnaa? Waa inaan ciyaarnaa Isniinta dabadeed khamiista misane Stamford Bridge axada.

“Laakiin waxaa intaa ka horreeya kulanka Stoke City, sidaa darteed aan diirada saarno kulanka Stoke.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close