Tababaraha Faransiiska oo booskii Mathieu ee xulka ku beddelay Eliaquim Mangala

mathieu-deschamps-cropped_uju5m09h2hhv1ghvxy9fr8ehm

(Paris), 30 Sebt, 2016    –Tababaraha xulka Qaranka Faransiiska Didier Deschamps ayaa xulkiisa ka tuuray Daafaca Barcelona Jeremy Mathieu isagoo beddelkiisana u yeeray Laacibka kooxda Valencia Eliaquim Mangala.

Mathieu oo 32 jir ah ayaa ku jiray liiska 23 ciyaartooy ee Faransiiska uga qayb gali doonta isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018 ee ay la kala dheeli doonaan Bulgaria iyo Holland, balse waxaa lagu warramayaa in is faham darro dhex martay laacibka iyo tababaruhu ay keentay in loo yeero booska laga saaro, laguna beddelo Mangala.

Si Walba oo ay ahaato Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska FFF ayaa soo bandhigay maanta in Xulka looga yeeray Mangala.

Xulka Faransiiska ayaa garoonka Stade de France kula ciyaari doona xulka Bulgaria, 07 Oktoobar, halka 3 maalmood kaddibna ay Amsterdam kula dheeli doonaan xulka Netherlands.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close