Juventus oo Liverpool ku garbinaysa saxiixa ‘Zlatan Ibrahimovic-ka cusub.!

(Torino) 30 Sebt 2016 – Kooxda Liverpool ayaa cadaadis kala kulmaysa kooxda Juventus si ay u helaan adeegga Alexander Isak, oo lagu naanayso ‘Zlatan Ibrahimovic-ka cusub.’

Wiilkan 17-jirka ah ayaa haatan u safta kooxda AIK oo ka dhisan dalkiisa Sweden, halkaasoo uu ka dhaliyay 7 gool 19 kulan fasal-ciyaareedkan.

Bandhiggiisa ayaa si wayn usoo jiitey indhaha kooxdan Premier League, balse wararka Talyaaniga ka imanaya ayaa sidoo kale tibaaxaya in ay sidoo kale daneeynayso Old Lady.

Saxaafadda Talyaaniga ayaa rumaysan in kooxda difaacanaysa Serie A ay ragga wax indha indheeya u direen Isak, iyadoo lagu wado inay u dhaqaaqdo bisha Jannaayo.

STOCKHOLM, SWEDEN - SEPTEMBER 21: Alexander Isak of AIK during warm-up prior the Allsvenskan match between Djurgardens IF and AIK at Tele2 Arena on September 21, 2016 in Stockholm, Sweden. (Photo by Nils Petter Nilsson/Ombrello via Getty Images)
STOCKHOLM, SWEDEN – SEPTEMBER 21: Alexander Isak of AIK during warm-up prior the Allsvenskan match between Djurgardens IF and AIK at Tele2 Arena on September 21, 2016 in Stockholm, Sweden. (Photo by Nils Petter Nilsson/Ombrello via Getty Images)

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close