Arsene Wenger oo sheegay inuu qabanayo shaqada xulka ingiriiska laakiin waa goorma?

(London) 30 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa wadada u furay shaqada xulka qaranka ingiriiska oo loo soo bandhigay kadib cayrintii Allardyce.

Wenger oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Burnley ee barri ayaa sheegay inuu qaban doono shaqada xulka ingiriiska maalin uun marka uu ka tago Arsenal.

Arsene ayaa intaa ku daray in haatan uu diirada saarayo shaqada kooxdiisa Arsenal, isla markaana uusan ku fikirayn qabashada xulka ingiriiska.

Wenger ayaa la waydiiyay suurogalnimada uu ku qaban karo shaqada xulka ingiriiska maalin uun? wuxuuna ku jawaabay:

“Haatan waxaan diirada saarayaa Arsenal laakiin marka aanan hayn wax shaqo ah maxaan u diidayaa?.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close