Arjen Robben oo Qandaraaska u kordhinaya kooxdiisa Bayern Munich

download

(Munich), 30 Sebt, 2016   –Xidigga Garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee waddanka Jarmalka Arjen Robben ayaa lagu warramayaa in uu sii joogi doono kooxiisa isla markaana saxiixi doono qandaraas cusub.

Robben Aabihiis oo ah Wakiilkiisa ayaa wargeyska ‘Kicker’ ee Jarmalka u sheegay in wiilkiisa uu jecel yahay inuu sii joogo Munich waloow qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo socda ee 2017, haddana waxa uu shaaciyay in uu heshiiska sii dheereyn doono.

Louis van Gaal ayuu ahaa tababarihii kooxda Bayern Munich keenay Robben oo 32 jir ah sanadkii 2009, waxaana xilligaa kaddib uu laacibka Holland kula guuleystay kooxda Bavarian-ka ah 5 Koob oo Horyaalka Bundesliga ah iyo Champions League.

Robben oo ciyaarihiisa inta badan ay dhaawacyo hareeyeen ayaa waxaa xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee dhaawac la’aanta ah uu ahaa 2009-2010 xilligaas oo uu 1,778 daqiiqadood ciyaaray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close