Laacib ka tirsan FC Basel oo xalay riyadiisu ay u rumowday

Photo published for Éder Álvarez Balanta: 'Jugar en el Emirates es un sueño cumplido'

(London) 29 Sebt 2016 Laacibka reer Colombia ee Eder Alvarez Balanta ayaa sheegay in xalay riyadiisii ay u rumowday taas oo ahayd ku ciyaarida garoonka Emirates.

Arsenal ayaa marti qaaday kooxda reer Switzerland ee uu u ciyaaro 23 jirkaan reer Colombia waxayna uga adkaadeen 2-0.

Eder Alvarez Balanta ayaa sheegay in aabihiis uu taageere u yahay kooxda Arsenal, marwalbana uu isagu ku riyoon jiray ku ciyaarida garoonka Gunners.

“Waxay ii ahayd riyo waana ii rumowday, waa inaan qiraa in aabahay uu taageere u ahaan jiray Arsenal markii aan yaraa” ayuu yiri laacibka kooxda FC Basel.

“Si wada jir ah ayaan u daawan jirnay kulamada horyaalka ingiriiska ee sabtiga iyo axada, caawana waxaan isku dayay inaan ku raaxaysto, ilaaheey ayaan uga mahadcelinayaa fursadaan” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close