Horseed oo dhib la’aan uga badisay kooxda heerka labaad ka ciyaarta ee Somali Fruit

img_a19607-baad2c-c09c9b-e67c38-18309f-0e0d72

(Muqdisho) 29 Sebt 2016.Kooxda Horseed ayaa guul ka gaartay naadiga Somali Fruit, ciyaar xiiso badan oo galabta ka dhacday garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir.

Kullankaan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay  0-0, xilli kooxda Cawa iyo Maalin ay iska qasaarisay fursado wanaagsan.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Horseed ayaa la timid labo gool, isku xiga waxaana shabaqa soo taabtay xiddiga Bakar kaasoo horay u soo maray kooxda uu labada gool ka dhaliyay ee Somali Fruit, iyadoo ugu dambeyn ciyaarta kusoo dhamaatay 2-0.

Sikastaba Horseed ayaa noqotay sanadkaan kooxdii labaad  ee guul gaarta koobka Janeraal Daa’uud, waxaa ka horeysay kaliya naadiga Rajo oo horay uga badisay Savaana.

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close