CL – Guruub B: Kooxda SSC Napoli oo afar gool afka u galisay Benfica iyo Besiktas oo barbaro la gashay Dynamo Kyiv

cteldxzxeaatdtu

(Naples) 29 Sebt 2016 – Kooxda SSC Napoli ayaa guul 4-2 ka gaartay naadiga Benfica kulan ka tirsan Champions League oo ay garoonkeeda ku soo dhowaysay.

Labo gool oo uu dhaliyey Dries Mertens iyo labo kale oo ay kala dhaliyeen Marek Hamsik iyo Arkadiusz Milik ayey Napoli ku dhaaftay Benfica oo labo gool goordambe dhalisay.

Haddaba waxaad ogaataa in Napoli aysan marnaba guuldarro kala kulmin kooxaha ka socda Portuguese-ka marka ay garoonkeeda ku soo dhowayso.

Halkaan hoose ka daawo goolasha kooxaha SSC Napoli 4 – 2 Benfica:-

Dhinaca kale kooxda reer Turki ee Besiktas ayaa barbaro 1-1 la dhaafi waysay naadiga Dynamo Kyiv oo ay garoonkeeda ku soo dhowaysay kulan ka tirsan isla Guruubka A ee Champions League:-

Halkaan hoose ka daawo goolasha kooxaha Besiktas 1 – 1 Dynamo Kyiv:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close