SAWIRRO: Tababarkii ugu dambeeyey ee ay kooxda Man United isugu diyaarinayso kulanka Europa League

(Manchester) 28 Sebt 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku jirta tababarkii ugu dambeeyey oo ay isugu diyaarinayso kulanka Europa League ee ay la ciyaari doonaan naadiga Zorya Luhansk.
Manchester United ayaa kulan ka tirsan Europa League habeen dambe ku soo dhowaynaysa garoonkeeda Old Trafford naadiga Zorya Luhansk.
Tababare Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan hubin haddii kabtan Wayne Rooney ku soo bilaaban doono kulanka habeen dambe ee Europa League oo ay wajahayaan kooxda Zorya Luhansk.
Zorya ayaan wali la ciyaarin koox Ingiriis ah Tartammada Yurub.
SAWIRRO:
Gool FM.