Rashford: Sida aan wax uga baranayo Ibrahimovic

marcus-rashford-715296

(Manchester) 28 sebt 2016. Marcus Rashford ayaa daaha ka rogay in uu wax ka baranayo Zlatan Ibrahimovic.

Rashford waxa uu ololahan ku bilaabay keydka taas oo Ibrahimovic u sahashay in uu toos safka u galo kaddib markii uu uga soo wareegay United for Paris Saint-Germain.

Laakiin tan iyo markii uu weeraryahanka reer Sweden kooxda ku soo biiray gaar ahaan safka kowaad ee Jose Mourinho waxa uu dhaliyey afar gool lixdii kulan ee ugu dambeeysay oo uu ciyaaro.

Hada, 18 jirka waxa uu daaha ka rogay in uu wax ka baranayo Ibarhimovic gaar ahaan sida uu ciyaarta u fur furo.

“Ibrahimovic waxa uu iga caawiyey wax ka badan inta uu u maleenayo,” ayuu Rashford u sheegay wareysi uu siiyey FIFA 17.

“Xitaa isaga oo aan waxba sheegin, kaliya daawashadiisa, sida uu dheesha u fur furo iyo maamulka ciyaartiisa.

“Wax badan oo laga barto ayaa dhiman.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close