Ma ahan Firmino, Maya Coutinho haba sheegin Lallana…(Laacibka ugu weerarka badan Liverpool waa..)

miiiii

(Liverpool) 28 Sebt 2016. Tan iyo sidii uu Jurgen Klopp u qabtay xilka Liverpool weerarka Reds ayaa noqday mid faraha looga gubtay oo cabsi galiyay kooxihii kale.

Liverpool ayaa dhalisay 71-gool tan iyo markii uu xilka u qabtay macallinka reer Germany bishii October ee 2015 waxayna noqotay naadiga ugu goolasha badan Premier League tan iyo waqtigaa.

Haddaba marka la is-waydiiyo waa kee laacibka ugu weerarka badan Liverpool oo ku lug leh goolasha ugu badan waxaa durba maskaxdaada ku soo dhacaya xiddigaha sida Roberto Firmino, Daniel Sturridge, Phillipe Coutinho iyo Lallana balse intuba ma ahan.

James Milner ayaa noqday laacibka ugu weerarka badan Liverpool tan iyo sidii uu u bilowday kal ciyaareedka 2015/16.

Xiddiga reer England ee sida bilaashka ah ugu soo biiray Liverpool ayaa ku lug lahaa 20-gool, 8-gool iyo 12 caawin.

rrrrrr

Waxaa ku soo xiga Roberto Firmino (12 gool, 7 caawin).

Roberto Firmino celebrates scoring Liverpool's fourth goal

Phillipe Coutinho (11 gool, 7 caawin).

Philippe Coutinho of Liverpool scores the forth goal

Adam Lallana (7 gool, 9 caawin.).

Liverpool's Adam Lallana celebrates scoring their first goal

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close